Soomaaliya
Ciidamada Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegay amniga Baraawe iyo Shalanbood
11/4/2026, 2:51:48 GH
Wareejintan ayaa qayb ka ah isbeddelka ku socda qaab-dhismeedka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan, xilli dowladda Uganda ay billowday qorshe ay ciidamadeeda uga saarayso Soomaaliya, kaddib muddo ku dhow labaatan sano oo ay ka qayb qaadanayeen hawlgallada milatari ee dalka.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay mas’uuliyadda sugidda amniga magaalooyinka Baraawe iyo Shalanbood ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay halkaasi ka baxeen ciidamada Uganda ee qaybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Wareejintan ayaa qayb ka ah isbeddelka ku socda qaab-dhismeedka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan, xilli dowladda Uganda ay billowday qorshe ay ciidamadeeda uga saarayso Soomaaliya, kaddib muddo ku dhow labaatan sano oo ay ka qayb qaadanayeen hawlgallada milatari ee dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamadeeda u diyaarisay inay la wareegaan goobihii ay banneeyeen ciidamada Uganda, iyadoo tallaabadani ay muujinayso dadaalka dowladda ee ku aaddan xoojinta awoodda ciidamada qaranka iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.
Baraawe iyo Shalanbood ayaa ka mid ah deegaannada istaraatiijiga ah ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka, ganacsiga iyo amniga deegaannada ku dhow Muqdisho.
Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa qorsheynaya inuu ciidamadiisa u wareejiyo afar saldhig oo kala ah Sabiid, Caanoole, Bariire, Awdheegle iyo Bulonagad, kuwaas oo muhiim u ah difaaca iyo amniga caasimadda Muqdisho. Qorshahan ayaa la xiriira dib-u-habaynta goobaha ay ciidamada Midowga Afrika ka howlgalaan kaddib bixitaanka ciidamada Uganda.
Uganda ayaa 2-dii Nofeembar 2026 shaacisay inay bilowday ka bixitaanka ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, iyadoo qorshuhu yahay in dhammaan ciidamadeeda, oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan howlgalka AUSSOM, ay dalka ka baxaan dhammaadka sannadka 2027.
Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalka amniga dalka, iyadoo dowladda Federaalka ay dooneyso in ciidamada qaranku si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga, isla markaana dalka uu mustaqbalka ka maarmo ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye.
Si kastaba ha ahaatee, kala-guurkan ayaa u baahan diyaargarow ciidan, qalab, dhaqaale iyo taageero saadka ah si loo xaqiijiyo in meelaha ay ka baxaan ciidamada shisheeye aysan ka dhalan firaaq amni oo ay ka faa'iideysan karaan Al-Shabaab.