Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu ka baxay wada-xaajoodyadii siyaasadeed iyo heshiiskii ku saabsanaa in aan la qaban doorasho heer federaal ah oo aan heshiis lagu ahayn. Farmaajo ayaa sheegay in tallaabooyinka uu qaaday Xasan Sheekh iyo hadalladii uu jeediyay ilaa xalay ay muujinayaan, sida uu hadalka u dhigay, damac ku aaddan xukun maroorsi iyo hurinta colaad sokeeye. Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu ku tilmaamay mid muddo-xileedkiisu dhammaaday, inuusan diyaar u ahayn wadatashi iyo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, balse uu doonayo inuu muddo xileedka dheereysto, isla markaana uu hirgeliyo doorasho uu natiijadeeda horay u sii go'aamiyo. Farmaajo ayaa xusay in wada-hadalladii muddada socday, oo ay garwadeen ka ahaayeen saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, ay muhiim u ahaayeen sidii xal heshiis lagu yahay looga gaari lahaa khilaafka doorashada, isaga oo tallaabooyinka cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay kuwo wiiqaya dadaalladaas. Ugu dambayn, Farmaajo ayaa ugu baaqay saaxiibbada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku hawlanaa dhexdhexaadinta khilaafka doorashada, inaysan mar kale ku kadsoomin baaqyada wada-hadalka iyo heshiiska ee ka yimaada Madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu ku dooday inaysan jirin niyad-wanaag iyo rabitaan siyaasadeed oo dhab ah oo lagu gaari karo doorasho daah-furan, xor ah, isla markaana loo dhan yahay.