Soomaaliya
SHAQAALAHA SHIRKADDA DEEQA CONSTRUCTION EE XALANE KA HOWGASHA OO AAN MUSHAAR QAADAN AFAR BILOOD
10/15/2026, 9:44:53 GH
Shaqaalaha xoogsatada ah ee shirkadda Deeqa Construction, oo ka howlgasha gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo afar bilood ah, iyagoo sheegay in aysan wax mushaar ah qaadan bilihii July, August, September iyo October oo hadda socda.
MUQDISHO — Mogadishu Times
Shaqaalaha xoogsatada ah ee shirkadda Deeqa Construction, oo ka howlgasha gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo afar bilood ah, iyagoo sheegay in aysan wax mushaar ah qaadan bilihii July, August, September iyo October oo hadda socda.
Shaqaalahan ayaa ka howlgala qeybaha kala duwan ee dhismaha, farsamada tuubooyinka, korontada iyo nadaafadda. Waxay Mogadishu Times u sheegeen in muddadaas aysan helin xuquuqdii mushaar ee ay ku lahaayeen shirkadda, arrintaas oo ay sheegeen inay ku keentay walaac ku saabsan noloshooda iyo waajibaadka maalinlaha ah.
Shaqaaluhu waxay sheegeen inay damceen inay cabashadooda u gudbiyaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, si ay uga helaan xal iyo cid u garnaqda xuquuqdooda. Hase yeeshee, sida ay shaqaaluhu Mogadishu Times u sheegeen, waxaa loogu hanjabay in shaqada laga eryi doono qof kasta oo cabashadiisu gaarto wasaaradda.
Hanjabaaddan la sheegay ayaa sare u sii qaadday walaaca shaqaalaha, kuwaas oo wajahaya xaalad adag oo u dhexeysa dalabka mushaarkooda iyo cabsida laga qabo inay waayaan shaqadooda haddii ay cabashadooda u gudbiyaan hay’adaha ay khuseyso.
Dhanka kale, shaqaalaha ayaa sheegay in maanta loogu yeeray shir, balse qaarkood ay si hoose uga wada hadlayeen sababta shir loogu yeeray iyadoo ay weli maqan yihiin mushaarkoodii iyo xuquuqdoodii muddada afarta bilood ah. Waxay sidoo kale isweydiinayeen waxa shirkaasi kusoo kordhin karo xaaladdooda, haddii aan xal muuqda laga gaarin mushaar la’aanta ay ka cabanayaan.
Shaqaaluhu waxay doonayaan in la caddeeyo sababta dib loogu dhigay mushaarkooda, goorta la siinayo xuquuqdooda iyo in la xaqiijiyo in aan shaqadooda khatar la gelin marka ay cabasho sharci ah gudbiyaan.
Mogadishu Times waxay diyaar u tahay inay baahiso jawaabta shirkadda Deeqa Construction iyo faahfaahin kasta oo ay ka bixiso eedeymahan, si dhinacyada ay arrintani khuseyso ay fursad ugu helaan inay aragtidooda soo bandhigaan.