Soomaaliya
SI QASAB AH AYAA LOOGU SOO CELIYAY SOOMAALIYA
10/29/2026, 5:27:57 GD
Waa mataano walalo ah oo dib loogu soo celiyay Soomaaliya kadib mudo badan oo kiiskoodu kasocday maxkamad kutaal dalka Sweden.
Aliya iyo Najiib, oo ah walaalo mataano ah, ayaa si khasab ah loogu celiyey Soomaaliya.
Waa dhacdo murugo weyn ku abuurtay qof kasta oo la socday kiiskooda, kana warqabay xaaladdooda iyo rajadii ay ka qabeen mustaqbalkooda.
Waa arrin qalbi jab leh marka laba qof oo dhalinyaro ah ay wajahaan xaalad sidan u adag. Kiiskoodu wuxuu mar kale dhaliyey su’aalo ku saabsan bani’aadannimada, caddaaladda iyo sida loola dhaqmo dadka ay saameeyaan go’aannada masaafurinta.