Muqdisho, 13-ka Oktoobar 2026 — Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ayaa liiska qaranka ee cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman ku daray 10 qof oo lagu asteeyey inay ku lug leeyihiin maalgelinta iyo taageeridda kooxda Al-Shabaab (AS). Sida lagu sheegay qoraalka guddiga, tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xakameynayo ilaha dhaqaale ee kooxda AS, laguna adkeynayo hirgelinta cunaqabataynta maaliyadeed ee loogu talagalay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada. Dadka lagu daray liiska ayaa kala ah: Abdiaziz Hassan Mohamed “Laftagareen” Hassan Abdulkadir Mohamed Mahad Abdirahman Adan “Shub” Ibrahim Adan Ali “Najah” Hassan Abdi Mohamed “Ugaas Hassan” Abdullahi Ali Watiin Abdifatah Mahad Abdirahman Abdimajid Mowlid Hassan Amiin Mad Daruur Abshir Aden Isak Guddigu wuxuu faray hay’adaha ay khuseyso sharciga ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada, iyo dhinacyada kale ee ku sugan Soomaaliya, inay u hoggaansamaan waajibaadka ka dhashay go’aankan. Tallaabooyinka la faray waxaa ka mid ah in laga fogaado macaamil maaliyadeed oo lala yeesho dadka ku jira liiska, in la xayiro hantida ay leeyihiin, iyo in Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya (Financial Reporting Center – FRC) si degdeg ah loogu gudbiyo warbixinnada dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee la xiriira shakhsiyaadkan. Guddigu wuxuu sidoo kale muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hay’adaha maaliyadeed ku wargeliyey in mamnuuc tahay in la sameeyo macaamil dhaqaale ama taageero fududaynaysa hawlaha dadka liiska lagu daray. Wuxuu intaas ku daray in cid kasta oo jebisa go’aanka lala tiigsan doono shuruucda dalka ee ka-hortagga argagixisada iyo maalgelinteeda. Go’aankan ayaa muujinaya dadaallada lagu adkeynayo kormeerka dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed iyo xakameynta shabakadaha dhaqaale ee lagu tuhunsan yahay inay taageeraan AS. Mogadishu Times | Wararka Soomaaliya iyo Caalamka