Soomaaliya
Trump oo Waji Gabax Kala Kulmay Shacabka Maraykanka
11/4/2026, 2:54:32 GH
Jamhuuriga (Republicans) ayaa isku dayey inay dareenka shacabka ka jeediyaan arrimaha sida weyn u saameynaya noloshooda, oo ay ka mid yihiin sicirka shidaalka, dagaalka Mareykanka iyo Iiraan, iyo taageerada milatari iyo dhaqaale ee Mareykanku siiyo Israa’iil. Hase yeeshee, caawa xeeladdii siyaasadeed ee Trump waxay u muuqataa inay dib ugu soo laabatay isaga. Wuxuu isku dayey inuu ku ciyaaro dareenka iyo caqliga codbixiyeyaasha Mareykanka, balse shacabka ayaa codkooda ku muujiyey mowqifkooda.
Shacabka Mareykanka ayaa caawa (Xiliga Maraykanka waqtigan) muujiyey in aanay si fudud u marin habaabin karin. Waxaa la isku dayay in cabsi lagu abuuro bulshada Mareykanka, iyadoo Soomaali aan xitaa 0.1% ka ahayn dadweynaha dalkaas lagu eedeeyey inay doonayaan inay Mareykanka ku soo rogaan shareecada Islaamka.
Jamhuuriga (Republicans) ayaa isku dayey inay dareenka shacabka ka jeediyaan arrimaha sida weyn u saameynaya noloshooda, oo ay ka mid yihiin sicirka shidaalka, dagaalka Mareykanka iyo Iiraan, iyo taageerada milatari iyo dhaqaale ee Mareykanku siiyo Israa’iil.
Hase yeeshee, caawa xeeladdii siyaasadeed ee Trump waxay u muuqataa inay dib ugu soo laabatay isaga. Wuxuu isku dayey inuu ku ciyaaro dareenka iyo caqliga codbixiyeyaasha Mareykanka, balse shacabka ayaa codkooda ku muujiyey mowqifkooda.
Sidaas waxaa qoray Muwaadin Maraykan-Soomaali ah, Bashir H Dhore