Shacabka Mareykanka ayaa caawa (Xiliga Maraykanka waqtigan) muujiyey in aanay si fudud u marin habaabin karin. Waxaa la isku dayay in cabsi lagu abuuro bulshada Mareykanka, iyadoo Soomaali aan xitaa 0.1% ka ahayn dadweynaha dalkaas lagu eedeeyey inay doonayaan inay Mareykanka ku soo rogaan shareecada Islaamka. Jamhuuriga (Republicans) ayaa isku dayey inay dareenka shacabka ka jeediyaan arrimaha sida weyn u saameynaya noloshooda, oo ay ka mid yihiin sicirka shidaalka, dagaalka Mareykanka iyo Iiraan, iyo taageerada milatari iyo dhaqaale ee Mareykanku siiyo Israa’iil. Hase yeeshee, caawa xeeladdii siyaasadeed ee Trump waxay u muuqataa inay dib ugu soo laabatay isaga. Wuxuu isku dayey inuu ku ciyaaro dareenka iyo caqliga codbixiyeyaasha Mareykanka, balse shacabka ayaa codkooda ku muujiyey mowqifkooda. Sidaas waxaa qoray Muwaadin Maraykan-Soomaali ah, Bashir H Dhore